Animation

XOG: Xildhibaanada BF oo bilaabay Xeelado Cajiib ah si Markale Xildhibaan looga dhigo…

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 12:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida aan xogta ku helnay Xildhibaanadii waqtiga ka dhamaaday ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay xeelado Cajiib ah si markale kaga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub iyagoo ku dhexmelmay xubnaha soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Sida xogta sheegeyso Muqdisho iyo qaar kamid ah maamulada dalka ka jira waxaa ka socda ololaha ay wadaan xubnaha doonaya in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub, waxaana ololaha ugu xoogan wada Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday oo mar kale rajo ka qaba in ay soo noqdaan.

Arinta layaabka leh ayaa ah in Xildhibaanada qaarkood ay hada diyaarinayaan liiska Ergadii iyaga dooran laheed, waxaana Xildhibaanada ay Odayaasha beeshooda u gudbiyeen liisaka magacyada Ergada soo dooran laheed.

Dhawaan ayaa la filayaa in Doorashada Xubnaha Baarlamaanka ay ka dhacdo caasimadaha maamul goboleedyada dalka, waxaana Xubin kasta oo Baarlamaan dooran doona 51-ergo oo sugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada.