Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Arimaha Bulshada Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Top News Xulashada K24

Xog: Xeer-ilaalinta oo diyaarisay kiiska C/fataax iyo XASAN Sh. oo arrin lama filaan ah ku kacay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in la fasaxo oo aan wax dembi ah loo raacan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho loo keenay baaritaan lagu hayay falkii lagu dilay sarkaalkii u shaqeynayay Hay;adda Miinada Q/Midoobay ee MINE ACTION Mahdi Xuseen Sheekhaal.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo Beledweyne tegay kiiskan, kadibna Muqdisho ku soo laabtay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wargeliyay in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ay u hayaan caddeymo muujinaya in falkaasi uu lug ku lahaa, isla markaana ay waxay xeer ilaalintu codsatay in dacwadaasi la socodsiiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu arrintaasi ka hor yimid kuna amray xeer ilaalinta inay hakiso dacwada lidka ku ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho sii joogaya inta laga xalinayo xiisada ka taagan Beledweyne, waxaana socda dadaalo ay wadaan Ugaaska Beesha Xawaadle iyo odayaasha beelaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajo ka qaba in xiisadaha Beledweyne ay degaan kadibna guddoomiyaha Gobolka dib ugu laabto magaalada oo xilkiisii sii wato, inkastoo beesha uu ka soo jeedo sarkaalkii la dilay ay si weyn uga horjeedo arrintaasi.
KISMAAYO24 NEWS AGENCY
ABDI KAFI ABDI ABDULLE
MUQDISHO-SOMALIA

Related posts

Dhagayso:- Waraysi Musharax Guureeye oo taageeray kala diristii guddiga farsamada

admin

Sugida Amaanka wadooyinka Muqidsho oo loo kala qeybiyey Booliska iyo Nabad Sugida.

admin

DEG DEG: Wada hadalaadi doolow oo saka dib u furmay iyo Qodobo lagu heshiiyay filo qodobada..

admin