Animation

XOG: Xasan Shiikh oo deg deg looga yeeray Addis Ababa iyo Imaaraadka Carabta oo Bilaabay Dagaal Cusub oo Itoobiya ka dhan ah

one response
Wednesday November 30, 2016 - 4:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Maanta Galinkii dambe ka Ambaba Baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho isagoo kusii wajahan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Socdaalka Raisul wasaaraha oo aan Horay loo sii shaacin ayaa waxaa la is weydiinaya waqtigaan waxa kusoo beegay Safarka Madaxweynaha Xili Dalka ay doorashooyin ka socdaan.

Dowlada Itoobiya oo Siyaasiyiinta soomaliyeed si Masxkada ka Maamusho ayaa Hada waxa ay Addis Aaba isugu yeertay Dhamaan Madaxda maamulada Dalka iyo Maasuuliyiinta Dowlada Federaalka.

Horay waxaa Addis ababa u tagay Raisul wasaare Sharmaarke Hadana waxaa tagay Madaxweyne Xasan Shiikh sidoo kale waxaa Horay Addis uga sii horeeyay Shariif Xasan iyo C/raxmaan C/shakuur iyo Cabdi wali Gaas oo isna loo yeeray sida warar hoose aan ku heleyno.

Inkastoo waxbadan la iska weydiinaayo Sababta ay waqtigaan Dowlada Itoobiya ugu yeertay Madaxda Dalka ayaa Hadana waxaa soo baxaya Warar hoose oo laga helaayo Qorshaha Itoobiya ay ka Damacsantahay Xubnahaan ay u yeeratay.

Socdaalka Xasan Shiikh waxaa la sheegay in Mudo hal cisho ah uu qaadan doono Isagoona lagu wado in Maalinta Beri oo khamiis ah uu kulan la qaato Raisul wasaaraha Dalka Itoobiya.

Sida muuqata Dowlada Itoobiya waxa ay la dhacsantahay Siyaasada Xasan Shiikh Iyadoona dadaal xoogan ku bixineysa Sidii Xasan uu markale Xilka u qaban lahaa taasi Badalkeed Xubnahaan Addis looga yeeray waxa ay taageero dhan walibo ka heystaan Dowlado ay kamid tahay Imaaraadka Carabtaa.

Imaaraadka iyo Itoobiya waxa ay loolan adag ugu jiraan Sidii ay ku heli lahaayeen Madaxweyne ka shaqeeya Danahooda siyaasadeed ee Dalkeena ay ka leeyihiin waxaana Mid kastoo Dowladahaasi kamid ah ay dhaqaalo iyo Fikirba ku bixineysa Musharax ay u aragto in Maskaxdooda uu ku shaqeyn karo.