Animation

XOG: Xasan sh, oo Lacag Malaayiin Dollar ah kaga badashay Shirkada Hormuud Hantida Dowlada…

no responses
Friday September 23, 2016 - 7:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida aan Xog gaar ah ku helnay M/weynaha Waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkadda Hormuud ka iibiyey dhulkii wasaaradda kallumeysiga ku laheyd agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, kasoo horjeedka Xarunta hey’adda UNDP.

Xogta ayaa muujineysa Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa wasaaradda kalluumeysiga iyo Hay’adaha ay quseyso sida Hanti dhowraha Guud lagu amray in dhulkaasi oo ay laheyd wasaaradda Kallumeysiga horana ay u daganaayeen shaqaalaha wasaaradaasi lagu wareejiyo shirkadda Hormuud oo dhowaanahan iibsaneysay dhismooyinka dowladda Soomaaliyeed.

Taas badalkeedana waxaa madaxweynuhu uu ka qaatay Hormuud lacag dhan 5-milyan oo dollar oo uu ku galo doorashada soo socoto ee Soomaaliya.

Qoraalkan oo lagu amray Hay’adahaasi iney ku wareejiyaan Shirkada Hormuud dhulkaasi ayaa lagu sheegay in shirkaddu ka dhisi doonto Masaajid, hase yeeshee dhulkaasi oo aad u weyn waxaa haatanba ka dhisan masaajid weyn, balse waxaa loogu xalaaleynaa in shirkada Hormuud ay guud ahaan la wareegto dhulkaasi oo aad u baaxad weyn.

Siinta dhulkii dowladda Soomaaliyeed ee ganacsatada iyo dad ay qaraabo yihiin madaxweynaha iyo xaasaskiisaba, gaar ahaan Sahra Indha Yar waxay muddooyinkan aheyd mid dadku ay ka dharagsan yihiin.