Top News

XOG XASAASI AH: Axmed Madoobe Oo Hal Arin Ka Diiday Farmaajo iyo Madaxdii Ku Shiray Garowe

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu kulankii ka dhacay Magaalada Garowe waxa uu ka hor yimid Qorshe Farmaajo uu damacsanaa.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa Garowe Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa shir uu kula qaatay Madaxda Maamul Gobolleedyada uu ka gaaray guul hordhac ah.

Farmaajo iyo Madaxda Dawlad Gobolleedyada ayaa isku mari waayey Qaarkood Falsafada Nabad iyo Nolol ay la rabto siriqda ay dhigeyso.

Axmed Madoobe Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ka hor yimid inuu is qadimo oo Dawlada Dhexe isku loogo.

Waxay Jubbaland soo bandhigtay Culeyska ka heysto Dawlada Federaalka iyo Fara gelinta Qaawan ay ku sameysay sidaa awgeedna aysan hadda heshiis la geli doonin.

Axmed Islaam Madoobe waxa uu sheegay in shirar kale loo ballamo si loo kala dhex galo oo awooda la isku hayo lagu kala baxo.

Bisha Maarso Ee Sanadkaan ayaa loo madlan yahay in Garowe uu ka dhaco Shir Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada laguna soo afjarayo wax tabashadii Siyaasadeed ee la kala qabay.

Related posts

Dhagayso:- Xildhibaan Magan " Mooshinka Barlamaanka Jubba waa Sax wana wadaynaa "

admin

XOG: Muqdisho oo Maanta marti galisay Weeraro kala duwan oo Dilal Qorsheysan ah sidee wax u dhaceen?

admin

Top News; Maxaadan Ogeyn Oo Maxkamadda Jubbaland Ay Maanta Doolow Ka Qaban Doontaa??? (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Tifaftiraha K24