Animation

XOG XAQIIQO XAMBAARSAN: K24 Oo Soo Ogaatey Sirta ka dambeysa joojinta khaadka.!! (Maxay Tolow Tahay???)

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 5:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa go’aankii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ku joojisay khaadkii ka iman jiray dalka Kenya, wixii maanta ka billowda.

Warbaahinta KISMAAYO24.COM ayaa ogaatay in arrintan ay salka ku hayso xiisad siyaasadeed cusub oo ka dhex ooggan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyata.

Xisaddan ayaa ka dhalatay taageerada ay dowladda Kenya u fidisay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo iminka mar kale ah musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa qasriga madaxtooyada dhowaan ku qaabishay Shariif Axmed, halkaasi oo sida la sheegay ay dhaqaale xooggan iyo taageero farsamo ugu yaboohday.

Tallaabada Kenya ayaa lagu warramay inay si aad ah uga carreysiisay madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo keentay inuu khadka Telefonka kula hadlo Kenyata.

Si kastaba, wada‐ hadalladaas ayaa la sheegay inay guul‐darro ku dhamaadeen markii Kenyata uu si cad ugu sheegay Xasan in Kenya ay taageereyso Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha Sooomaaliya oo ka carrooday go’aanka Kenya ayaa uga aargudanaya joojinta khaadka oo dhaqaale xooggan uu kasoo galo dalka Kenya.

Shariif Axmed ayaa ka mid ah musharaxiinta uu sida aadka ah isaga ilaalinayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Isha:CAASIMADA