Animation

XOG Xaqiiqo ah: Gaariga lagu weeraray pizza house xagee qaraxa looga soo xiray sidee ayuuse ciidanka xasilinta usoo dhaafay?

no responses
Thursday June 15, 2017 - 12:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xog dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxeysa weerarkii xalay lagu qaaday maqaayada pizza house ee dagmada hodan magaalada muqdisho.

Weerarka wuxuu ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee maqaayada pizza kadibna waxaa xiga dableey hubeysan oo maqaayada gudaha u gashay.

Hadaba waxaa is weydiin mudan gaariga maqaayada ku qarxay xagee qaraxa looga soo xiray sidee ayeysan ku suurta gashay iyadoo magaalada oo dhan ay ciidamo tahay in uu bartilmaameedsado meel istaraatiiji ah.

Xogta ugu dambeyso ee aynu ka heleyno gaariga qarxay ayaa waxa ay sheegeysa in gaariga uu kayimid dhanka dagmada dayniile ee gobolka banaadir.

Qaraxa waxaa la sheegay in gaariga looga soo xidhay dayniile kadibna uu si dhuumaaleysi ah kusoo galay magaalada.

Gaariga oo sida waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu soo maray dhinaca wasaaradda gaashaandhigga isagoona soo maray wadddooyin qardo jeex ah oo xaafaddaha dhexmarta .

Gaariga ayaa iska ilaaliyay in uu ku dhaco waddooyinka ay joogaan ciidamada xasilinta caasimadda isagoo ka feejigan in baaritaan uu la kulmo ayaa waxa uu soo maraayay wadooyin qardo jeex ah iyo jid cadayaal xaafaddaha dhexmara.

Gaariga marka uu soo galay dagmada hodan waxaa uu ka soo galay dhanka isbitaalka digfeer gaar ahaan waxaa la soo marsiiyay waddo jid cadde ah oo ku yaalla Isbitaalka Masaarida.

Dadka arkay gaariga ayaa waxa ay sheegeen in boor badan uu ka muuqday gaariga maadama lasoo marsiiyay waddooyin qardo jeex ah iyo jid cadayaal bacaad ah .

Qaraxa gaariga waxaa ku dhimatay 10 ruux oo dibadda maqaayada ku sugneyd kadibna waxaa gudaha galay dagaalamayaal lagu qiyaasay 5 ilaa 6 waxaana ay toogasho ku dileen dad badan oo maqaayada ku cunteeynaayay.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in weerarka bartilmaameedkiisa uu fashilmay maadama ay doonayeen in ay galaan hotelka iyo maqaayada posh treats balse qarax markuu dhacay oo uurada ay is qabsatay xoogagii hubeysanaay ay ku yaaceen maqaayada pizza house oo u dhaw posh treats.

PIzza house waxaa goob loo nasasho tago dhalinyarada ay isku sawiraan waqtida jawiga uu daganyahay.