Animation

XOG: Waxbadan ka Ogow Dowlada Itoobiya oo Addis Ababa isugu Yeertay Dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Raisul Wasaare Sharmaarke Muxuuse yahay Qorshaha Socda???

no responses
Saturday November 26, 2016 - 9:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raysulwasaare Cumar cabdirashiid oo booqasho aan la shaacinin ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa shalay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia kula kulmay wasiirka cusub ee arimaha dibada ee Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.Xog laga soo xigtay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia ayaa sheegaysa in labada masuul ka wada hadleen arimaha doorashada Somalia iyo xidhiidhka labada dal.

Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa wasiirka uga warbixiyay doorashooyinka ka socda Somalia iyo xaalidihii ugu danbeeyay isagoo xusay in meel fiican wax marayaan.Wuxuu ka mahad celiyay dedaalka Itoobiya ugu jirto xasilinta Somalia iyo dhiiga askartoodu udaadiyeen arintaas.Wuxuu tilmaamay in Somalia ubaahantahay khibrada Ethiopia ee dhanka federaalisimka iyo maamulka.

Wasiirka ayaa dhankiisa sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto taageerada dhanka amniga ah ee ay la garab taagantahay Somalia,wuxuuna hoosta ka xariiqay in inta badan mushkiladaha kajira Somalia loo baahan yahay in Soomaalidu dhexdeeda xalisato.

Marka laga soo tago hadalada diblomaasiyadeed ee labada masuul isdhaafsadeen,ayaa waxaa la aaminsan yahay in kulanka labada nin intaas ka guda weynaa kuna saabsanaa doorashada madaxweynaha ee lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo dalka Somalia.Xogaha diblomaasiyadeed ee soo baxaya ayaa sheegaya in wadamada daneeya siyaasada Somalia ay isku maandhaafsan yihiin shaqsiyaadka utartamaya madaxweynaha Somalia oo Cumar Cabdirashiid qayb kayahay.

Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ayaa horay shir arimahan ku saabsan ku yeeshay Abu dhabi iyo Nairobi kaas oo lagu falanqeeyay hogaanka cusub ee Somalia,waxaa jira xogo diblomaasiyadeed oo sheegaya in Ethiopia aysan la dhacsanayn shirarkaas oo Imaaraadku hormuud ka ahaa sidaas darteedna ay kujirto olole ka dhan ah shirarkaas horay udhacay.

Joogitaanka Addis Ababa ee Cumar Cabdirashiid waxaa ku biiray madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo shir saxaafadeed ka sheegay in casumaad uu ka helay Itoobiya inkastoo uu xusay in China uga sii gudbi doono.Madax kale ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay booqday Addis Ababa iyadoo la filayo in qaar kale oo kamid ah hogaamiyaasha dowlad goboleedyada ay gaadhaan Addis Ababa kahor inta aysan dhicin doorashada madaxweynaha.

Imaaraadka iyo Ethiopia ma ku heshiin doonaan siyaasada Somalia mise way ku kala adkaan doonaan?Jawaabta su’aashan waxaynu udeenaynaa akhristeyaasha.