Animation

XOG: Wax badan ka Ogaaw Sirta ku qarsan dib u dhaca Doorashada Somalia & Kaalinta Xasan sh…

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 11:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal waxa ay shalay sheegeen in dib u dhac ku yimid doorashooyinka, iyagoo ku marmarsiyoonaya Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in tani aysan ka dambeyn Odoyaasha balse uu jiro qorshe culus oo uu leeyahay Xasan Sheekh oo isna musharraxiinta kamid ah.

Sababta loo daahiyey doorashada waa in la sugo maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo DFS dedejineyso si xildhibaannada halkaasi ka imaan doona Xasan ugu codeeyaan.

Xasan Sheekh ayaa si hoose kulan uu ula yeeshay guddomiyaha guddigan oo ay aad isugu dhow yihiin wuxuu ka codsaday in dib loo dhigo doorashada waliba si xeeladeysan.

Hadda cabsida kale ayaaba ah in doorashada waqtiga hadda loo ballamay qudheeda aaney ku dhicin, waxaana socda xeeladeysiga Xasan Sheekh.