Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Arimaha Bulshada Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Top News

XOG: Wasiiro katirsan DFS oo ku dhow Iney Xilalkooda Iska Casilaan & RW Kheyre oo Sabab u ah

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ay qaati ka taagan yihiin wax ay ugu yeereen bahdilaadda uu kula dhaqmayao Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre.

Wasiirada ka cabanaaya nidaamka ayaa si gaara u dhaliilsan isla xisaabtanka joogtada ah iyo sida loogu koontaroolayo howlaha guud iyo kuwa gaarka ah oo ay u hayaan Qaranka, ayada oo mararka qaar ay dhacdo, sida arday oo kale, xitaa warqadahooda gaarka ah la hubiyo.

Wasiirada tabashada muujinaaya ayaa la sheegay in muddo laba jeer ah ay Ra’isul wasaaraha ka dalbadeen inuu u madaxbaneeyo howlaha qaar, hayeeshee waxaa arrintaasi diiday Kheyre.

Wasiirada ayaan diidaneyn isla xisaabtan, hase yeeshee waxay Kheyre ku dhaliileen inuu sida caruur oo kale ula dhaqmo, ayna la yaabeen wax ay ugu yeeren “jahli ka muuqda”

“Wasiir, sida arday oo kale, xitaa buugaagtiisa iyo qoraaladiisa shaqsiga la hubinayo dunida kama dhicin” Waxaa sidaas yiri qof codsaday inaan la magacaabin oo kaaliye wasiir uu naga codsaday inaynan magacaabin.

Tallaabooyinka ra’iisul wasaare Kheyre ayaa dad badan waxay ku qeexeen ka bad-badis iyo tus-tus, ayada oo illaa iyo hadda aysan muuqan wax la taaban karo oo uu qabtay tan iyo markii la magacaabay.

 

Related posts

Dhagayso:- Al-Shabaab oo ugu Bishareyeey Xildhibaanada Barlamaanka in qaar la dilo qaarna la dhaawaco

admin

Jawaabihii ay dilka Cismaan Cilmi Boqorre ka bixiyeen siyaasiyiinta ugu caansan Soomaalida

Mohamed Abdirashid Abaajo

Dhagayso:- Madaxweyne Gaas oo Fah Faahin Dheeri ah kabixiyeey Safarkiisi Yamen & Arimo Xasaasi ah

admin