Animation

XOG: Wafdi ka socda Dowlada Somalia oo ku wajahan Cabudwaaq…

no responses
Wednesday November 25, 2015 - 11:21 under Somali News by admin
mqdefault

Magalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia waxaa  ku wajahan wafdi iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano  ka tirsan Dowlada Somalia.

Wafdigaan oo ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda ay tahay in ay  kala dhex galaan  labo beelood oo Ciidamadoodu ay isku horfadhiyaan Magaaladaasi.

Wafdigaan ayaa  waxaa lagu wada in ay  odayasha dhaqanka Labada Belood siyaasiyiinta labada beelod  iyo Maamulka Dagmada Cabudwaaq ay kulamo kala duwan  la qataan.

Magaalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia oo maalmihii ugu danbeyay ay xiisad ka tagnayd ayaa waxaa manta laga dareemaya  qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaan ka socda Dwoalda Somalia.