Animation

Xog: Shirka Nabadda Jubaland oo furitaankiisa uu dib u dhac ku yimid sababo la xiriira Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

no responses
Monday November 30, 2015 - 8:32 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Shirkii Dib u heshiisiinta ee Ree Jubaland oo qorshiisu ahaa inuu maalinimada Barito ah ka furmo Magaalada Kismaayo ayaa dib u dhac uu kuyimid sida ay warbaahinta Caalamiga ah ee Kismaayo24 u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hawl-wadeenada iyo Qaban-qaabiyayaasha Shirka,

1 Bisha oo ku beegan Maalinimada Barito ah ayey aheyd inuu shirka si rasmi ah u daahfuro Wasiirka gaashaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo Masuul ka ah Hirgalinta Shirkaasi, iyadoo wali aysan jirin wufuudii lasugayay wax gaaray Magaalada Kismaayo.

Dib u dhaca ayaa ka dhashay Dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo oo Guud ahaan madaxda Soomaalida ay u istaageen sidii loo xalin lahaa, waxaa xusid mudan in madaxda Jubaland ay jiraan halkaasi si ay qeyb uga noqdaan dadaalada xalka loogu raadinaayo xisadii ka jirtay maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Gaalkacyo.

lama sheegin  mudada uu dib u dhacsanyahay shirka ama inta ay qaadan doonto waqtiga rasmiga ah ee uu furmaayo shirkaasi, waxaase wararka aan xuuraansiga ku heleyno ay sheegayaan in maalmaha soo aadan uu shirkaasi furmi doono.

Siyaasiyiintii ku sugnaa xamar ee ay aheyd ineey ka qeyb-galaan shirkaasi dib u heshiisiinta ee beelaha jubooyinka mucaaradsanaane Maamulkaasi sanadihii lasoo dhaafay ayaa iyagu u diyaarsan ka qeyb-galka shirka waxaana furitaankiisa so furi doona shirkaas Wasiirka Difaaca Janaraal Diini halka Xiritaankiisane uu ka qeyb-gali doono Wasiirka Koowaad Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaake.

kismaayo24 ood uga barateen kahelitaanka xogaha rasmiga ah ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba la xiriri ayaa idiin la diyaar ah ineey si habsami leh idiin la socodsiiso hambasami u socodka hawlaha dib u ehshiisiinta ee beelaha Jubooyinka.

Facebook Comments