Animation

XOG: Sheekh Shariif oo Markiiba Xil Culus u magacaabay Jeneraal Indhacadde…

no responses
Monday September 26, 2016 - 7:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida Wararka nagu soo gaarayaan General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa waxaa uu noqonayaa madaxa ilaalada Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya waxaana Shariif Sheekh Axmed, maanta lagu wadaa in si rasmi ah uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqo in uu yahay Musharax u taagan jegada madaxtinimada dalka.

Ex M/weyne Shariif Sheekh Axmed oo Khamiistii dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa General Yuusuf Maxamed Siyaad u magacaabay inuu noqdo Sarkaalka ugu sareeya ilaaladiisa.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhawr jeer hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay ku qaabilay General Indhacade, wuxuuna ku wargeliyay in uu magacaabay madaxa ilaaladiisa.

Tani waxay ka dambeysay, markii weerar ismiidaamin ah 18-kii bishan lagu dilay Allaha u naxariistee General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), oo Madaxweynihii hore uu u magacaabay madaxa ilaaladiisa.

General Goobaale iyo General Indhacade, ayaa si dhow ula soo shaqeeyay Shariif Sheekh Axmed, intii uu joogay Villa Somalia, iyadoo dowladiisii ay ka caawiyen inay Shabaabka kala wareegto Caasimadda. Saddexduba waxay ka tirsanaayen Midowgii Maxkamadaha.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Shariifku uu ku kalsoon yahay General Indhacade, isla-markaana uu ka soo bixi karo shaqada uu u magacaabay.

Indhacade oo sanadihii ugu dambeeyay uu cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la leeyahay waxaa uu xiriirkaasi xumaaday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.