Animation

XOG: Shariif Xasan oo Waji labaad lasoo baxay Xasan sheekh oo Yaaban & Baydhabo oo Xaalad adag galeysa…

no responses
Monday October 3, 2016 - 6:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida inoo sheegeyn illo xog ogaal ah madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan sheekh ayaa socdaal Olole doorasho ah u tagaya Baydhaba waxaana halkaasi kaga hormaray musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

M/weyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu aad uga xummaaday socdaalkaas, islamarkaana uu dareemayo halis xooggan oo kaga imaneysa Jabriil oo si aan caadi ahayn u kasbaday bulshada maamulka Koonfur Galbeed.

Xasan ayaa la sheegay in markii uu arkay sida Jabriil loo soo dhoweeyey uu la xiriiray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan kana codsady inuu socdaal deg deg ah ku tago Baydhaba, hase yeeshee Shariif Xsan ayaa ku gacan seeray sababo amni dartood.

Ilo-wareedyo ku dhow Shariifka ayaa sheegay inuu Xasan Sheekh u sheegay inuu u baahan yahay waqti aad u dheer, oo ugu yaraan laba toddobaad ah oo loogu diyaar garoobo imaanshihiisa.

Waxaa sidoo kale jirta in siyaasiyiinta maamulka Koonfur Galbeed kasoo jeeda ay diidan yihiin socdaalka Xasan, ayaga oo ku eedeeyey inuu dhulka la galay dadka gobolladaas afartii sano ee uu madaxweynaha ahaa.

Culeeska Shariif Xasan ayaa waxaa sii kordhiyey markii ay qaar ka mid ah haweenka Baydhaba ku hanjabeen inay taayaro gubayaan jidadkana xiri doonaan, haddii Xasan uu Baydhaba kasoo dego.

Xasan ayaa sida aan xogta ku helnay kireystay hotel ku yaalla Baydhaba, wuxuuna Shariifka u sheegay inuu la imanaya ciidamo amnigiisa suga, maadaama Shariifka uu diiday inuu deg deg ku qaabilo.