Animation

XOG: Shariif Xasan oo Gacanta DF soo galinaya Hogaamiye Magac weyn ku dhex leh Al-shabaab (Tolow Waa kee???)

no responses
Wednesday September 14, 2016 - 2:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida aan ka soo xiganay illo wareedyo ka tirsan Sirdoonka Maamulka K/galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha Maamulkaasi uu wadahadal gabo-gabo ku dhaw maalmahaan uu la qaadanayay Hogaamiye ka tirsan Al shabaab oo lagu magacaabo Muqtaar Rooboow Abuu-mansuur kuna sugan deegaano ka tirsan gobalka Baay.

M/weyne Shariif Xasan ayaa fududeyn doona in Mukhtaar Roobow uu keeno Muqdisho, kala hadlo dowladda Soomaaliya, islamarkaana la cafiyo kadibna hoy ilaalo adag joogto looga sameeyo magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa kahor inta aanu DFS kasoo dhaadhicin arrinta Mukhtaar Roobow waxa uu u tagi doonaa dowladda Itoobiya oo arrintan kala hadli doono, sidoo kalena saraakiisha Maraykanka ee Xalane ayuu arrimahan kala hadli doonaa.

Madaxda Al-shabaab ayaa waayadii dambe wajahayay marxalad adag iyadoo weeraro cir iyo dhulka looga dilay saraakiil kooxdaasi u qaabilsanaa howlo culus.