Animation

Xog: Shariif Sakiin iyo Xasan Shiikh oo ku dagaalamaya Kursi kamid ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Hirshabeele

one response
Wednesday November 30, 2016 - 11:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Muran xooggan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa cida xaq u leh Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Daa’uud Abgaal, iyadoo is qab qabsiga iyo muranka ka taagnaa Kursigan uu sababay inuu dib u dhac ku yimaado doorashada kursigaas.

Kulamo tan iyo xalay ka socday magaalada Jowhar ayaa la isku fahmi waayay, iyadoo uu soo fara geliyay maamulka Hirshabeelle.

Kursigan ayaa waxaa la isku hayay cida ku soo baxeyso oo Beelaha Isaaq iyo Yuusuf Daa’uud ay ku wada loolamayaan, waxaana jirtay in Beesha Isaaq Daa’uud ay horay ugu guuleysatay kursiga Aqalka Sare, sidaas darteed ay jireen soo jeedin ku aadan in Kursiga Aqalka Hoose la siiyo Yuusuf Daa’uud.

Saddexda Musharax ee Kursigan u ordeysa ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Axmed Beerey iyo Eng. C/qaadir Carabow oo labaduba ka soo jeeda Beesha Yuusuf Daa’uud iyo C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koofur Galbeed, kana soo jeeda Beesha Isaaq Daa’uud.

Muranka iyo dooda ka taagneyd Kursigan oo kala qeybiyay Beesha Daa’uud ayaa waxay noqotay in Maamulka Hirshabeelle uu soo dhex galo, iyadoo Odayaal ka soo jeeda labada beel uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo kulan la yeeshay odayaasha Beesha Daa’uud ayaa ka dalbaday in Tartanka laga reebo C/llaahi Sheekh Xasan, maadaama Beesha Isaaq Daa’uud ay heshay Kursiga Aqalka Sare.

Madaxweyne Cosoble ayaa u sheegay Odayaasha Beesha Daa’uud in horay Maamulkiisa uu qaaday tallaabo Tartanka Kursiga Beesha Cali Madaxweyne looga saaray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, iyadoo la fiirinayay saami qeybsiga, isla markaana isagoo ogaa in aysan jirin cid uga dhow C/fataax uu tallaabadaas u qaaday maamulka.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ka hor-yimid qorshe uu waday Madaxweynaha Hirshabeelle, kaasoo ahaa in Tartanka laga joojinayo C/llaahi Sheekh Xasan, waxaana Ugaaska ku hanjabay hadii laga saaro Tartanka C/llaahi Sh. Xasan uu kala diri doono Ergada Beesha Daa’uud, gaar ahaan kuwa Isaaq Daa’uud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ugaas Maxamuud Cali Ugaas uu taageerayo C/llaahi Sheekh Xasan oo ku adkeysanaya in kursigan u tartamo, maadaama Kursiga Aqalka Sare ee uu ku guuleystay Muuse Suudi uu ahaa kursi Wacbuudhan, sidaas darteedna aanu Kursiga Aqalka Hoose cid u gaar aheyn.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono is  qab qabsiga iyo murankan taagan, waxaana muuqata in loolanka Kursigan ka taagan ay ku lug leeyihiin Madaxtooyada iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Xigasho Jowhar.com