Animation

Xog: Shabaabka oo ku kala qeybsan ineey ku biiraan daacish Iyo ineey ka sii mid ahaadaan Ururka Al-qaacida.

no responses
Wednesday November 25, 2015 - 7:19 under Somali News by admin
mqdefault

K24- Hogaamiye ka tirsan ururka Al Shabaab ayaa fariin hanjabaad ah waxa uu u diray dagaalyahanada ka tirsan ururkaas ee doonaya inay kala qaybiyaan xubnaha Ururka.

Sarkaalka Shabaab u qaabilsan Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa sheegay inaysan marnaba u dulqaadaneyn dadka ku dhexjira Shabaabka ee ka shaqeynaya kala qaybinta Ururka.

“Cid waliba iyo cidii ku xadgudubta midnimadeena ama dooneysa in safka Mujaahidiinta ay inshiqaaq ku dhex sameyso, Wallaahi halfar baan ka nahay, waana iska celineynaa InshaAllaahu Tacaalaa, Arintaasna waa go’aan cad oo Mujaahidiintu ay gaareen, Midnimada iyo Raayada Mujaahidiintu maanta waa hal, Hal Amiir ayeyna leeyihiin, Qof waliba oo doonaya in uu kala jabiyana wallaahi ka yeeli meyno” Ayuu yiri Shaykh Abuu Cabdallah.

Abuu Cabdalla waxa uu sheegay in dadka doonaya in ay ku biiraan ururo kale ay isaga tagaan dalka agtoodana aysan waxba u oolin.”Maanta cid Alle iyo ciddii tiraahda anigu meel kale ayaan ka tirsanahay, Aad meeshaad ka tirsan tahay, Anigu Raaya kalaan wataa, iyo waxyaabo la mid ah ma aqbali doono,go’aankeena waa mid, meesha aan u socono iyo hadafka aan leenahay waa noo cadahay,Khilaafo Islaamiyah ayaan u soconaa, Insha’Allaah xilligeeda iyo waqtigeeda ayaan ku gaari doonaa marka ninkii yiraahdo aniga Raayo kale ayaan wataa, ama Jabhad kale ayaan ka tirsanahay, Afaarahaas halkaan kama shaqeynayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxaayay Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku dhawaaqeysay inay ku biireen Ururka Daacish, waana mida keentay Shabaabka inay soo saaraan fariintaan Digniinta ah.

Hadalkaan ka soo yeeray guddoomiyaha ururka Alshabaab ee Sh/hoose ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii isku horimaad hubeysan oo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex maray deegaan ka tirsan Jubbada Dhexe dagaalyahano ka tirsan Alshabaab kuwaasoo ku kala aragti duwanaaday in laga sii mid ahaado Al-qaacida iyo in lagu biiro IS.