XOG: Shabaab Fu’aad Shongole Iyo Saraakiil Kale Oo Dirqi Kaga Badbaaday Ciidanka DFS

0

Xog hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegeysaa in Fu’aad Shongole iyo saraakiil kale oo Al-shabaa ka tiran ay si dirqi ah kaga badbaadeen ciidamada DFS Soomaaliya oo howlgal ka sameeyey deegaanno Kamid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku dhacay xarun markii hore ay ku shirayej saraakiishan, balse daqiiqado kahor ayey ka baxeen marka howlgalkaan uu dhacayo.

Xogta ciidanka heleen ayaa ahayd in halkaasi ay rag badan ku sugan yihiin,balse waa ay baxsadeen si lama filaan ah, waxaana loo maleeyay in iyaguna ay heleen xog kale oo sheegeysa in dhankooda lagu soo wajahan yahay.

Saraakiishan ayaa sidoo kale la sheegay iney ku jireen rag magac iyo mamuus ku leh Maleeshiyada Al-shabaab, haddii la qaban lahaa ama la dili lahaana Al-shabaab jab xooggan ayaa soo gaari lahaa.

Ciidamada DFS gaar ahaan kuwa Kumaandoosta loo yaqaano ayaa xoojiyey weerarada ay ku bacsanayaan Maleeshiytaadka Al-shabaab.