Somali News Top News

XOG: Safarka kadiska ah ee Axmad Madoobe ku tagay Qooqaani Muxuu Salka ku haaya? “Sawiro”

Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Axmad Madoobe oo Shalay gaaray Dagmada Dhoobley ayaa Maanta Safar aan horay loo sii shaacin waxa uu ku tagay Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubadda Hoose waxana Safarka Madaxweynaha ku wehliya Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland, Waxaana qorshaha uu u tagay deeganadaasi ay tahay abaabulka ciidanka Jubbaland iyo sidii ciidamaa loogu diyaar gareyn lahaa weerar lagu qaado alshabaab.

Madaxweynaha waxaa uu Qooqaani kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo Ciidamada Amisom ee ku sugan Deegaanka Qooqaani ee gobollka Jubbada Hoose waxaana uu saraakiisha kala hadlay sida ugu dhaqsiyaha badan in ciidamada loogu diyaar gareeyo dagaal ka dhan ah Deegaanada ay Alshabaab kaga suganyihiin Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo.

Wararka waxaa ay sheegayan in Madaxweyne Axmad Madobe uu dib ugu laabtay Magalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya.

Axmad Madoobe waxaa uu Booqday Dhaawacyada Ciidamada Kenya ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay maalin ka hor Deegaanka Xayo oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa safarkiisa waxaa la sheegaya in uu salka ku haayo dar dar galinta howlgalo ka dhan alshabaab deeganada ay ku suganyihiin waxaana Jubbaland ay Qorsheyneysa Gulufkii ugu Xoogana ee Alshabaab looga saaraayo Degmooyinka iyo Deegaanada ay Maamuulaan oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo.

Halkaan hoose Ka Daawo Sawirada Axmad Madoobe ee Safarkii Qooqaani

qooqaani

qooqaani1-768x512

qooqaani2-768x512

qooqaani3-768x512

Related posts

Wafdi ka socda Aminsom iyo SNA oo garay Cadaado iyo Gadiid dagaal oo ay geeyeen

admin

SAWIRRO: Ciidamada Booliska Puntland oo Miinooyin ka soosaaray deegaano udhaw Magaalada.

admin

XOG: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka Dhacay Dekeda Muqdisho iyo War Xasaasi ah oo aan idinkaga heyno Xaalada Dekeda oo Maanta…

admin