Animation

XOG :- RW Sharmarke iyo Cabdiweli Gaas oo ka baxay Shirkii Madasha iyo Xasan Sheikh oo

no responses
Saturday September 10, 2016 - 11:09 under Breaking News by admin
mqdefault

Raisalwasaraha Somalia  Cumar Cabdirashid iyo Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka baxay shirkii madasha wadatashiga  ka dib markii  la isku fahmi wayay  qodobo dhowr ah.

Sida ay Kismaayo24 horay idinku soo tabisay waxaa la isku racay in  Aqalka Sare lagu doro  10 ila 15 xubnood oo magac ahaan qadanaya  Gobolka Banaadir balse beeluhu ay u qaybsan doonan 5 qaybood.

 

Arinkaan ah in  xubnaha Banaadir logu daray shan belood lo qaybsado ayaa waxaa ka dhashay dood aad u culus  ayado masuliyiinta qaarna ay iskuba af dhaafeen balse dhinacyada ugu danbeyn wa isla qateen qodobkan.

 

Qodob la  isku mari wayay ayaa ah sida lo sii kala qaybsanayo 5 xubnood ee beel walba logu daray.

 

Tusaale khilaafka ugu badan ayaa waxaa uu ka dhacay  xubnood ee beesha Daarood logu daray waxaana  la soo jeediyay in xubnahaasi  la siiyo beelaha darood  ee kala ah SADE iyo ABSAME iyo AWRTABLE waxana sidaas lo yiri beesha Harti  horay ayaa logu daray xubno dheeri ah oo waxay haysata 15 xubin oo  Aqalka Sare ah.

 

Qaybtaan waxaa ka biyo diiday Raisalwasaraha Somalia  Cumar Cabdirashid iyo Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Cali Gaas ayado ugu danbeyna ay  shirkii ka baxeen.

 

Madaxweynaha Somali Xasan Sheikh oo asagu dadaal badan Mujinayay ayaa isku dayay in uu dib u soo cesho  xubnaha  shirka ka baxay balse waxay shuruud ka dhigeen in shanta xubnood ee logu daray beesha Daarood ayaga lo gacan gasho .

 

Madaxweyne Xasan Sheikh oo isku dayaya in meel dhexe la iskugu yimado ayaa shantii xubnood labo  ka mid ah  hadan ugu daray beesha Harti balse kumaysan qancin  masuliyintan labada ah.

 

Xaajo marka ay halkaasi marayso Madaxweyne Xasan Sheikh oo aad u caraysan  ayaa waxaa uu soo jeediyay in gabi ahaan dib loga labto xubniihii lagu daray Aqalka Sare dib na logu celiyo 54 xubnood ama in gabi ahaanba la laalo Aqalka sare .

 

Waxaa marlabad arinkan si weyn uga horyimid Raisalwasaraha Somalia  Cumar Cabdirashid iyo Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Cali Gaas  waxaayna ku doodayaan in heshis yaadi la galay ay yihiin sidi lo galay.

Balse Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu danbeyn ku adkaystay in 3 qodob mid la qaato

1- In Xubnaha  Aqalka sare ee lagu daray si Cadaalad ah lo qaybsado  gaar ahaan Xubnaha Daarood.

2- In Aqalka sare dib logu celiyo tiradii hore ee ahayd 54 ta  puntland iyo Somaliland na ay soo celiyaan Xubnaha siyaadada ah.

3- In gabi ahaanba laga tanaasulo Aqalka sare ee  Somalia oo la laalo lana hergaliyo Aqalka Sare 2020.

Dhanka kale Somaliland ayaa kulamadi ugu danbeyay aad uga dhex muqatay  waxayna  aad u saluugsan yihiin  qaabka lo qaybiyay aqalka sare ee Somalia  RW Kuxigeenka Somalia Maxamed Carte ayaa dhankisa soo jeediyay in aysan marnaba aqbalayn  qaaabka wax lo qaybiyay waxana uu sheegay in Somaliland ay rabto sadex meelood oo meel Aqalka Sare  hadi taasi la wayana aysan ka qayb qadan doonin doorashoyinka  la qorsheyay.

Isku soo wada duubo Masuliyiinta ka qayb galaya shirka Madasha ayaa kulankaan aad u kala fog ayaado masul walba uu ku adkeysanayo halki u ku dhagnaa maalintii ugu horaysay ee Shirka Madasha  sida ay  saadaashu tahayna hadan la helin gacan  labaad oo  soo kala dhex gasha shirkaani waxaa uu ku soo dhamanaya fashil.