Animation

XOG: RW CC oo kasoo jeestay dhanka Siyaasiyiinta Xisbiyada ee Muraacadka ku ah Xasan sh…

no responses
Saturday September 10, 2016 - 3:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno mid kamid ah Hogaamiyayaasha Axsaabta dalka, gaar ahaan garabyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu jiro isku soo dhawaanshi iminka ka dhex bilaawatay R/wasaaraha dalka iyo Axsaabta Siyaasada.

Hogaamiyahaani oo dalbaday inaan la adeegsan magaciisa ayaa sheegay in xiriirkaani ay horay usii saadaalin jireen, balse uu iminka bilowday tan iyo markii Madaxweynaha dalka uu qalinka ku duugay sharciga Axsaabta.

Waxa uu sheegay in sababta xiriirkaani uu yahay mid dhashay kadib markii R/wasaaraha dalka wakhtigiisa uu dhamaaday isla markaana uu yahay musharax u taagan qabashada Hogaanka dalka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wuxuu sheegay in R/wasaaraha uu taageero weydiistay qaar kamid ah Axsaabta si ay u dhexmarto wada shaqeyn siyaasadeed, waxa uuna intaa raaciyay in Sharmaarke uu kaalin lixaad leh ka qaatay dadaaladii uu Xasan Sheekh ku saxiixay sharciga.

Xiriirka cusub ee iminka ka dhex curanaaya Axsaabta dalka iyo R/wasaaraha ayuu sheegay inay tahay mid albaabada u furi doonta Siyaasad wanaaga dalka lagu soo dabaali karo, waxa uuna rajo ka muujiyay guulaha ka dhalankara xiriirka.

Tani ayaa imaaneysa xili Ra’isul wasaaraha dalka uu ka shanqariyay musharaxnimadiisa, waxa ayna u muuqataa in Sharmaarke uu miciin bidaayo Axsaabta.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.