Animation

XOG RASMI AH: Waqtiga Rasmiga oo Somalia Internetka ay dib u heleyso oo la Shaaciyay

no responses
Thursday July 13, 2017 - 5:39 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Agaasimaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Xaaji ayaa faah fahin ka bixiyay halka uu marayo dadaalada ku aadan adeeggii Internetka.

 

Adeegga Internetka ayaa dalka ka maqan mudo ka badan laba Todobaad, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

 

Axmed Cabdi Xaaji oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay qorshaha in uu yahay Adeegga Internetka in la helo wixii ka dambeeya maalinta Jimcaha ee dabayaaqada Todobaadkan.

 

Wuxuu sheegay Markabkii iyo shaqaalihii hagaajin laha Internetka in ay ka soo ambabaxeen dalka Cumaan, maalmaha soo socdana ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.