Animation

XOG: Raadka Lacagtii Looga Xaday Bankiga Dhexe Oo Lugta La Galay Meel Lama Filaan Ah

no responses
Monday October 3, 2016 - 8:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dhowaan waxaa lacag ka badan Nus Milyan Doolar laga xaday Bankiga dhexe ee dalka, waxaana taasi la sheegay inuu dhacay nin qasnaji ahaa oo Bankiga ka shaqeynayey.

Waxaa durba la billaabay baaritaan aan caadi ahayn kuna saabsan lacagtaan la dhacay iyo sidoo kale qaabka loo qaatey iyo haddii ay jiraan cid si sax ah loogu tuhmayo.

Raadkii  dabagalka lacagta la qaatay ayaa si toos ah waxay u gashay Villa Soomaaliya, taasi oo dad badan markii ay maqlaan la yaabi doonaan, waliba xafiiska madaxweynaha.

Warar horudhac ah oo aynu helnay waxay sheegayaan in arrintan Xafiiska Madaxweynaha laga soo abaabulay, lama oga in lacagtaan isaga toos ugu tagtay ama sidoo kale in dad kale isticmaaleen.

Sidoo kale xogta waxay sheegeysaa in hadda baaritaaan lagu hayo rag ka shaqeeya xafiiskaasi, waxaana laga yaabaa in lacagta meesha loo maleynayo aaneyba jirin.