Animation

XOG: Qorshaha Xasan Sheekh Uu Ku Tagayo Baydhabo Oo Laga War Helay

no responses
Monday October 3, 2016 - 8:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  maanta la filayaa inuu tago magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, isagoo halkaasi ku tagaya safar aan horay loo soo shaacin.

Xog ay heshay Wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh uu doonayo inuu soo furo xarig dhowaan uu xiray Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim.

Xasan Sheekh ayaa ogaaday in Jibriil uu ballanqaadyo badan ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, sidaasi darteedna uu doonayo in arrinkaasi uu isbedal ku sameeyo.

Xasan wuxuu doonayaa in Koonfur Galbeed ay isaga taageeraan, wuxuuna halkaasi la tagi doonaa ballanqaadyo badan, sidoo kale waxa uu maanta halkaasi geyn doonaa lacag u muuqato laaluush.

Musharax Jibriil booqashadii uu ku tagey Baydhabo wadno qabad uu la seexan waayey Xasan Sheekh bay noqotay, wuxuuna hadda rabaa madaxweynaha in leenka Shariif uu isaga soo xirto.