Animation

Xog Qarsoon : Yaa fashiliyay waan-waantii uu ka dhexwaday Puntland Iyo Galmudug Raisal Wasaare Sharmaake.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 6:17 under Somali News by admin
mqdefault

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa shalay booqasho waxa ay ku tageen Magaalooyinka Cadaado iyo Garawe, si xal deg deg ah loogu helo Colaada ka aloosan Magaalada Gaalkacyo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Puntiland iyo Galmudug.

Cumar Cabdirashiid ayaa kulamo gaar ah la qaatay Labada Madaxweyne ee Maamulada Puntiland iyo Galmudug, waxa uuna labadaba kala hadlay sidii loo xalin lahaa colaada Gaalkacyo loogana hortagi lahaa in dagaal dambe magaaladaasi uu ka dhaco.

Cabdi Weli Gaas iyo Cabdi Kariin Guuleed ayaa labadaba soo dhaweeyay Dadaalka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu ku doonayay in lagu joojiyo Colaada Gaalkacyo, hasa ahaatee waxaa soo ifbaxday in dadaalkii R/Wasaaraha uu fashilmay dhabarkana laga toogtay.

Waxaa saakay mar kale Dagaal culus uu dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo kadib markii Ciidamo hubeesan oo katirsan Maamulka Puntiland ay kasoo gudbeen fariisimahooda, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal xoogan oo labada dhinac dhax maray qasaaro kala duwana uu ka dhashay.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ay inta badan ka qaxeen dadkii kunoolaa ayaa u muuqata mid dagaal faraha la gashay, waxaana horey u fashilmay dadaalo ay wadeen Odayaasha iyo Culumada Magaalada Gaalacyo oo lagu doonayay in lagu joojiyo Codaalda Gaalkacyo ka aloosan.

Madaxweynaha Puntiland ayaa lagu eedeenayaa in isagu ka dambeeyo Colaada Magaalada Gaalkacyo, waxaana hada farta lagu fiiqayaa in isagu yahay shaqsiga fashiliyay dadaalkii nabadeed ee

R/Wasaaraha Soomaaliya waday, waxa ayna Ciidamada Puntiland ay xabad ka bilaabeen Magaalada Gaalkacyo iyada uu R/Wasaaraha uu joogo Magaalada Garawe.

Cabdi Weli Gaas ayaa isagu gabi ahaan diidan kana soo horjeeda Maamulka dariska la ah ee Galmudug, waxa uuna horey u sheegay in uusan marnaba uusan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug oo aqoonsi ka heesta Dowlada Federaalka .

Maamulka Puntiland ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay diideen waan waan ay wadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Culumada Magaalada Gaalkacyo oo lagu doonayay in colaada lagu joojiyo wax walbana wadahadal lagu dhameeyo

Dad badan ayaa aaminsan in muhiim tahay in marka hore wada hadlaan ayna hesiiyaan labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntiland, si nabad ay ugu wada noolaadaan colaadna kaga fogaadaan dadka kuwada nool Magaalada Gaalkacyo.