Animation

XOG; Puntland oo Xog cusub shaacisay Dagaalka & Duqeynta ka dhacday Duleedka Gaalkacyo + Shirqool

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 12:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Puntland ayaa hadlay hawlgalkii xalay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo kaashanaya ciidanka Dawladda Maraykanka ka fuliyeen Degaanka Jeexdin ee bariga gobolka mudug, waxaana halkaas oo ay ku weerareen Sida Puntland Hadalka u dhigtay in ka badan 200 oo maleeshiyaad iskugu jira Alshabaab iyo Galmudug oo watay 5 gaari oo tikniko ah iyo baabuur kale oo nooca xammuulka qaada ah.

Isuduwaha wasaaradda warfaafinta Puntland ee gobolka Mudug C/naasir Bedel Khalaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalku uu saacado kooban qaatay ayna la galeen kooxihii ay horay isku hayeen ee falalka amni xumo oo qaraxyadu ay ka mid yihiin ka gaysanayey gudaha puntland.

Hadalka Puntland ayaa kusoo aadaya iyadoo duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug uu shaaciyay Ciidanka Puntland iyo Ciidan Mareykanka in ay duqeeyeen Askar Galmudug katitsan ayna dileyn in ka badan 10 qof oo ciidanka ka tirsanaa waxaana magaalada Gaalkacyo laga dareemayaa maanta xiisad adag,