Animation

XOG: Musharax Caan ah oo Ciidan Beeleed Fara badan loogu diyaariyay Muqdisho & Cabsi Jirta…

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 11:47 under Somali News by Tifaftiraha K24

Sida aan kasoo xiganay Oday dhaqameed ka mid ah B/abgaal waxaa magaalada Muqdisho ka socda qorshe ciidan badan loogu aruuriyay Sheekh shariif kuwaas oo kor u dhaafaya 400 waxaana Ciidankaasi u badan yihiin beeshaasi iyadoo lagu diyaariyay degmooyinka xiga dhanka Waqooy ee Gobalka Banaadir.

Ciidankaan ayaa ah kuwo aad u hubeysan kana tirsan Milatariga Soomaaliya, waxayna tani timid kadib markii amniga Sheekh Shariif loo baqay, sida aan kasoo xiganay Oday dhaqameedkaasi xog ogaalka ah ee diiday magaciisa in la shaaciyo.

Sidoo kale waxay wararka sheegayaan in ciidankaan ay dheeryihiin ciidamo kale oo horay uga mid ahaa Maxkamada Islaamiga oo aan beel gaar ah lahayn, saraakiil ay iyaguna noqon doonaan kuwa sida gaarka ah amniga Sheekh Shariif u sugaya.

Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, balse Kooxda Aala Sheekh ayaa wadda qorshe walbo oo ay amniga Musharax Sheekh Shariif ay ku sugi karaan.