Somali News Top News

XOG MUHIIM AH: Xasan Daahir Aweys oo Magangalyo ka helay dowlad Carab ah iyo DF oo hal arin ugu dhagan……….(Tolow Maxay Tahay??)

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku raagay gacanta dowladda Federaalka Soomaaaliya kadib markii laga soo qabtay degmada Cadaado isaga oo baxsad xilligaa ka ahaa Al-shabaab.

Xasan Daahir waxay DFS ku haysaa hoy ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana uu noloshiisa u wataa si caadi ah marka laga reebo xorriyadda oo arrin aad u muhiim ah.

Xasan kuma aanu dhawaaqin inuu ka tanaasulay fikirkii Al-shabaab, waxaana soo baxaya qorsheyaal kala duwan oo ku saabsan waxa ay DFS ka damacsan tahay wadaadkaasi.

Ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Xasan uu magangalyo ka helay dowladda Qadar, balse illaa hadda DFS ku dheggan tahay.

DFS ayaa dooneysa inuu Xasan Daahir ka dhawaajiyo in uu ku qaldanaa qaadashada Fikirka Al-shabaab, islamarkaana yihiin Koox Argagaxiso oo mudan in lala dagaallamo.

Xasan isna intaas ayuu ka culeys dhigtay, Qadarna wey marti gelisay, dowladda Federaalkana arrinkaasi ayeey ku xujeysatay in Xasan Daahir Xor ku noqdo.

Related posts

Qormo Kooban By Yuusuf Garaad: Soomaaliya Iyo Kenya oo Berrito isku wajahaya Hague

Tifaftiraha K24

Xasaasi Dhageyso: Maxaadan Ogeyn oo ka soo baxay Kulan Xasaasi ah oo Beledweyne ku Dhexmaray Madaxweynaha Hirshabeele iyo Ugaas Xasan??? War ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24

Xisbiga Midowga iyo Hormarka oo Warka soosaaray Xaalada Maamulada Galmudug iyo.

admin