Animation

XOG Muhiim ah: Shir Madaxeedka IGAD ee Muqdisho Beri ka Furmi lahaa oo Dib u dhac uu ku Yimid+Sababta ka dambeysa iyo Waxa soo kordhay…

no responses
Friday September 9, 2016 - 12:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar Hoos eoo ay Heshay Kismaayo24 ayaa Sheegaya in Shir Madaxeedka IGAD uu Dib u dhac ku Imaan karo Mudo Maalmo ah.

Ilo Xog xogaal ah ayaa k24 u Sheegay in Shir Madaxeedka IGAD ee lagu madalsanay in 10-ka Bishaan uu Muqdisho ka Furmo uu dib u dhacay Mudo 3 Cisho ah.

Wararka ayaa sheegaya in Shirku uu dib u dhacay Illaa 13-ka Bishaan, waxaana la ogeyn Sababta uu Dib ugu dhacaayo Shir Madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka dhacaya.

Muqdisho waxaa hada ka socda Shirka Madasha Qaran oo Madaxda ay isku Mari laa’yihiin waxaana Qorshuhu ahaay in Shirka uu kusoo gaba gaboobo Mudo Laba Cisho ah Balse taasi hada ma muuqato oo Watqigii loogu tala galay waala dhaafay waana Sababta ugu dhaw ee loo aaneyn karo dib u dhaca Shir Madaxeedka IGAD ee Muqdisho