Animation

XOG MUHIIM AH: K24 oo Heshay Xog ku Saabsan in Wadanka Imaaraadka Carabta Kulan Xasaasi uu ku dhexmari Mari doono Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Puntland Yaase Garwadeen ka ah Kulanakasi????

no responses
Sunday October 30, 2016 - 10:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ila Wareedyo lagu kalsoonyahay oo la Halday Kismaayo24 ayaa waxa ay Ino Xaqiijiyeen in Maalmaha soo socda Kulan Xasaas ah uu ka dhici doono Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta Kulankaasi oo u dhaxeyn doona Madaxweynayaaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Labada Maamul ayaa sidoo kale k24 u Xaqiijiyay Kulankaasi ka dhicii dona Dalka Imaaradka Carabta.

Waxaa Xusid mudan in Madaxweynayaaasha Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele ay dhawaan gaareen Magaalada Dubia Iyadoona sidoo kale la sheegayo in Madaxweynaha Puntland uu isna tagi doono Magaalada Dubai.

Inkastoo aan la xaqiijin Goobta sida Rasmiga ah uu kaga dhici doono kulanka iyo Cida goob joog ka ahaan donto ayaa warar hoose waxa ay sheegayan in Wadanka Isu taga Imaaradka Carabta uu garwadeen ka yahay Kulankaan labada Masuul dhexmari doono waxaana kulanka sidoo kale la sheegay in ay ka qeyb gali doonan qaar kamid ah Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Warar kaloo Madax banaan ayaa sheegaya in Imaaraadka ay Hada ku suganyihiin Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed, Jubbaland Hirshabelle iyo Somaliland,kuwaas oo Casuumaad ka helay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Wadanka Isutaga Imaaradka Carabta waxa uu galaan gal xoogan ku leeyahay Siyaasadda Soomaliya isagoona xiriir wanaagsan la leh Maamulada Federaalka ee Dalka ja jira.

Kulankaan la filaayo in uu dhexmaro madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntalnd Cabdi kariim Guulled iyo Cabdi Wali Gaas waxaa lagu jeex jeexi doona Colaada Galkacyo kusoo laab laabatay iyo sidii loo Joojin lahaa Dagaalka mudada Bil ku dhaw ka socda Magaalada Galkacyo.