Somali News Top News

XOG: Mucaaradka madaxweyne Farmaajo oo Diyaariyay Qorshihii ugu dambeeyay oo Madaxweynaha lagu….

Xubnaha mucaaradka ku ah madaxweyne farmaajo ee hadda ku sugan magaalada muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen kulamo xasaasi ah oo ku saabsan qaabkii uu xilka u baneey lahaay ra’isul wasaare xasan cali kheyre.

Xubnahaan ku kulansan muqdisho ayaa waxa ay iska dhaadhiciyeen in kalsoonida farmaajo hadda heysto lagu bur burin karo kaliya in xil ka qaadis lagu sameeyo ra’isul wasaare mudane xasan cali kheyre.
Haddaba si ra’isul wasaaraha xilka looga qaado xubnaha ugu cad cad damul-jadiid ee ku jira baarlamaanka federaalka ayaa waxa soo jeediyeen in mooshinkii ugu cuslaay laga diyaariyo xukuumadda kheyre si ra’isul wasaaruhu kursiga u baneeyo.

 

Kalsoonida shacabka ee Madaxweynaha ayaa sii siyaaday tan iyo markii uu bilaabay safar uu ku marayo gobalada dalka, waxaana Mucaaradka dowlada ay Muqdisho ka wadaan wada tashiyo aan caadi aheyn  oo ay ku abaabulayaan buuq siyaasadeed inay ku furaan Madaxda dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer hore u diiday inuu Kheyre ku cadaadiyo in xafiiska laga diro, waxaana hada la ogeyn kulamada mucaaradka Muqdisho ka wadaan natiijada ka dhalan karta

Madaxweyne farmaajo oo ah shaqsi ay inbadan u riyaaqeen shacabka soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan ayaa si aad ah ugu kalsoon Ra’isul wasaarihiisa mudane xasan cali kheyre oo isagana shacbiyad badan sameystay tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Related posts

Dhacdo Xanuun badan: Labo Qof oo Qoorta laga jaray ayaa lagu arkay Baledweyne

admin

Guddiyada joogtada ee Baarlamanka Arrimo Kale Duwan Maanta Ka Hadlay Iyo kal-fadhiga 7aad Oo La Mudeeyay xiliga Uu xirmayo

admin

Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Galkacyo kula kulmay….

admin