Somali News

Xog: Mooshin ku’aadan gudoonka baarlamaanka Puntland iyo hadalheynta bulshada.

Waxaa isa sootaraya kulamada ka socda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyadoona kulamadaas ku saabsanyihiin mooshin laga wado gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Barlamaanka Puntland ayaa fasaxay kooban oo sadex berri ah galay iyadoo ay  jirto hadal haynta mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha barlamaanka.

Fasaxan kooban ee golaha wakiilada la siiyey ayaa ka bilaamaya berri oo khamiis ah waxaana qorshuhu yahay in uu fadhiga barlamaanku dib u furmo isniinta soo socota.

Madaxtooyada Puntand ayaa lagu dhaliilaa in ay mooshin ka keento gudoomiyaha baarlamaanka cusub iyadoona lagu eedeeyo inay booskaas gudoonka keensato gudoomiye ay iyadu wadato.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland  Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa ku jaawaby xilli uu kahadlayay mooshinka laga wado wuxuuna yiri” kursigaan wuxuu ahaa hadaf aan lahaa oo aan xaqiijiyay labbo jeer oo horaan u tartamay dadkana waxaan baray in siyaasada loosabro mar saddexaadkiina waan ku guuleystay marna macaajisin, aad uma caashaqsani inaan kursiga ku adeygo oo aan iraahdo kursigaan fadhinayaa laakiin waxaan aaminsanahay ummada masuuliyadaa uqaaday inaa ugu shaqeeyo kuna matalo arinta kursiga inta uu alle ii qoray ayaan kufadhinayaa kii ilajecel iyo kii ilaneceba,hadii golahayga ay u arkaan inaan hogaamin karin ama shaqada ay ii igmadeen kufilnayn iyagaa iisheegi kara oo codbay ii qaadi karaan waan kasoo dagayaa kursiga xaga danbe ayaana fadhiisan laakiin marnaba mayeeli doono cid golaha aan kamid ahayn in golaha dhexdiisa ay khal-khal kadhex abuuraan”

Related posts

Dhagayso Baarlamanka oo ka Dooday Qodobo xasaasi ah oo ka Mid ah Dastuurka

admin

Warbixin: Kenya oo iyadoonan Safaradeeda furan Qusul u magacodey Kismaayo

admin

Alshabaab oo wadada u galay ciidamo ka tirsan dowaldda oo Muqdisho kusoo jeeday

admin