Somali News Top News

Xog: Maxay tahay sababta uu Axmed Madoobe Markale u dalbaday in loo kordhiyo waqtiga u Kusoo magacaabaayo Golaha wasiirada Maamulka Jubaland.

Iyadoo maanta ay Baarlamaanka Jubaland Muddo Sadex bilood ah ugu dareen Madaxweyne Axmed Madoobe Inuu Kusoo magacaabo golihiisa wasiirada, Ayaa Shabakadda kismaayo24 waxay xog Iyo Xuuraansi u gashay sidii ay u ogaan laheyd waxa sababay dib udhaca markale ku yimid soo magacaabida Golaha wasiirada Jubaland.

Xogta Rasmiga ah ee ugu dambeysa ee aan kaheleyno ilawareedyada Inoo waramay Ayaa sheegeysa in Hogaamiyaha uu culeys Iyo cadaadis ka haysto dhinaca beesha Caalamka oo Fartay Inuusan dhameystiri Karin Maamulka inta uu kadhacaayo shir dib u heshiisiineed oo waayadii dambe qabsoomidiisa aad loo hadal hayay inkastoo shirka qudhiisa uu dhowr jeer dib u dhac ku yimid.

Shirka Ayaa lagu wadaa Inuu ka qabsoomo Kismaayo kadib shirka madasha wadatashiga oo ay martigalineyso Magaalada Kismaayo,waxaana shirkaasi si wadajir ah majaraha ugu haya Dowladda Federaalka, Iyo xubno kasocda beesha Caalamka iyadoo ujeedkune yahay in lagu dhameeyo khilaafkii Iyo ismari waagii Kismaayo ka taagnaa sanadihii dambe kaasi ku dhaxeeyey beesha Sade Iyo beesha absame.

Waxaa jira xubno iskudayaya fashilinta shirkan heer ka caalami ah kuwaas oo ay kamid yihiin Darwiish Iyo macalin Maxamed inkastoo il gooniyaad lagu hayo dhaqdhaqaaqooda hadane wali Kama Aysan daalin iskudayada ay ku doonayaan ineysan waligood heshiin Beelaha Sade Iyo absame.

Beesha Sade Ayaa wacad ku martay in Aysan aqbali doonin xubin kastaa oo uu hogaamiye Madoobe u magacaabo wasiir inta ka horeysa qabsoomida shirkaasi, iyagoo hoosta ka xariiqay in dad aan heshiin Aysan waxba wada qeybsan Karin arintaas oo uu Madoobe dhiniciisa gareystay taasi oo qeyb ka ah codsiga uu baarlamaankiisa markale maanta kaga dalbaday Muddo kordhin in loo sameeyo.

Sikastaba Heshiis Iyo nabad ka dhalata Jubaland Ayaa ku xiran qabsoomida shirka dib u heshiisiineed ee lafilaayo Inuu dhawaan Kismaayo uga furmo Beelaha Sade Iyo absame.

Kismaayo News Agency
Kismaayo,Soomaaliya

Related posts

XOG: Cumar C/rashiid oo xeelad horay loo arag u adeegsanaya Helista cododka Xildhibaanada Somaliland

admin

Dhagayso:- Suldaan Axmed Garbacune " Shirkii Cadaado Wuu Bur Buray Dowladana iyadaa Sabab u ah "

admin

XOG HOOSE: Affey oo si cad u diidey qorshe uu Xassan Sheekh watey (Tolow muxuu ahaa??)

admin