Animation

XOG: Maxay tahay Sababta Itoobiya ay Dabada uga Riixeyso in uu Xukunka kusoo Laabto Xasan Shiikh ??

no responses
Tuesday February 7, 2017 - 8:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaan caad uusan ka saarneyn ummadda soomaaliyeed in waxii ka dambeeyey bur burkii dawladii soomaaliyeed ee uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare in dawladaha caalamka ee danta ka leh Somaliya gaar ahaan kuwa cadawga ku ah ay isu baheysteen bur burinta nidaam dawladeed oo shaqeeya kana hanaqaada Soomaaliya waxaana dawladahaas cadawga ah ugu horeeya dawlada Itoobiya oo si gaar ah ugu biyo dhaansatey in Soomaaliya aysan dib uga dhalan dawlad xoog leh oo iska dhicisa diidana damaca waalan ee ay ku dooneyso in ay gebi ahaan ku liqdo qaranka Soomaaliyeed.

Waxyaabaha la xusi karo waxaa ka mid ah in Sirdoonka itoobiya dowladaha ka dhisma soomaaliya ay mar kasta ku yeeshaan adeegayaal Jaajuusiin Soomaali ah oo warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamiliinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

Hadii aan arimahan sii faah- faahiyo si gaar ahna aan diirada u saaro Afartii sannadood ee ay xukunka haysay dawlada uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh waxaa si aad u xoog badan u kordhey faragelinta tooska ah ee ay Itoobiya ku heyso Soomaaliya waxaana baaritaan mudo qaatey oo aan sameeyey ku ogaadey in xiriirka Xasan Sheekh iyo Itoobiya uu kasoo bilowday markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa Sannadkii 2011-kii ilaa sanadkii 2012-kii isagoo xiligaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faarax Sheekh Cabdiqaadir kaas oo adeegsanayay rag kale oo Jawaasiis u ah taliska Itoobiya kuwaas oo aamisan siyaasiga soomaaliyeed ee doonaya inuu xukumo soomaaliya ay qasab ku tahay inuu daba dhilif u noqdo Itoobiya!

Faarax Cabdiqaadir iyo raga kabo qaadka u ah Itoobiya waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeystaha Itoobiya waxaana dhacday in Faarax Cabdiqadir uu Itoobiyanka saraakiishooda sirdoonka uu kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti ,Jig-jiga iyo Diradhabe xagaagii sanadkii 2012-kii. Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay dalka Itoobiya iyo taariikhda Ra’iisal wasaarahii geeriyoodey ee Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada ugu dambeyna gacanta u gelin doona guud ahaan Masiirka Soomaaliya.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ah Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya dhulka soomaaliyeed ee Itoobiya ay xooga ku heysato iyo General Gabre Adhana oo ururka IGAD u Qaabilsan arimaha Soomaaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamadii Itoobiya ee Muqdisho kumanaan dad soomaaliyeed ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. “Waa Waraabe Hilba ku raro”..

Markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray, waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey in ay la shaqeeyn karaan Dowlada uu madaxweynaha ka noqday Xasan Sheekh maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba in ay ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey in ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed oo aan la iibsan karin.

Hadaba su’aalaha leys weeydiin karo ayaa waxa ay yahiin waa maxay sababaha ay Itoobiya dabada uga riixayso inuu mar kale xukunka ku soo noqdo Madaxweyne Xasan Sheekh waa maxayse sababta ay si gaar ah Itoobiya Xasan Sheekh uga xulatey Mushraxiinta kale?

Ilo aad u xog xogaal ah oo Soomaaliyeed oo ku kala sugan gudaha iyo dibada oo aan la xiriirey ayaa iyagoo ka jawaabaya arimahaas iyo sababta ay Itoobiya geed gaaban iyo mid dheerba ay ugu koreyso soo laabashada Xasan Sheekh ayaa waxa ay kusoo koobeen qodobadan kala ah:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Itoobiya waxaa uu u ballan qaadey in uu gebi ahaan ka tanaasulayo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya xooga ay ku heysato isagoo arintaas si hordhac ah uga sheegay sannadkii hore ee aanu soo dhaafney Magaalada Jig Jiga mar uu socdaal ku tagey isagoo sidoo kalena balan qaadey inuu baa’binayo dhamaan caalamadaha muujinaya in lagu muran san yahay dhulkaas.

2- In aanu dhiseyn inta uu xilka haayo ciidan Qaran oo Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka xooga dalka Somaaliyeed iyadoo horeyna loo soo tijaabiyey Afartii sannadood ee xukunka hayey.

3- In uu burburin doono Heshiiskii Berbera Corridor ama kii shirkadda DW ay la gashey Somaliland

4- In uu Ra’iisal wasaare ka dhigi doono Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ninkaas oo ka tirsan Sirdoonka Itoobiya.

5- Itoobiya oo aaminsan in Madaxweyne Xasan Sheekh ay soo tijaabiyeen Afartii Sannadood ee uu xukunka hayey ayna u arkeen inuu yahay nin aad ugu dhego nugul dana aanu ka laheyn in la helo qaran xoogan oo soomaaliyeed uuna yahay nin Soomaaliya dhibka iyo ciriiriga ay ku jirto ku hayn kara.

6- Itoobiya oo aamintey in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujisay in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega.

Dhinaca kalena arimaha kale muhiimka ah ee loo baahan yahay in ay ogaadaan shacbiga soomaaliyeed waxa ay tahay in Magaalada Muqdisho haatan ay ku sugan yahiin Saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ee kala ah Reda Getachew,Dr. Metiku Arkebe,la taliyaha gaarka Hailemariam Desalegn iyo Solomon Sulu oo ah ku xigeenka taliyaha Sirdoonka Itoobiya iyo Jenaraal Gabre oo horey u joogey kuwaasoo ka shaqeynaya siduu kusoo noqon lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.Si kastaba ha ahaatee arintan kama qarsoona shacbiga soomaaliyeed waxaana u cadaatay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay khaa’in wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin.

Guud ahaan marka laysku soo xooriyo ifafaalaha muuqan karaya ayaa waxa uu yahay in hadii mar kale xukunka uu ku soo laabto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in Soomaaliya uu u dumayo Gabal madow godka mugdiga ah ee ay haatan ku jirtana mid kasii dheer ay sii geli doonto waxaase shacbiga Soomaaliyeed ay rajo badan ka qabaan in xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ay waqtigan adag u hiiliyaan dadkooda iyo dalkooda hooyo ayna isla tuuraan Itoobiya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo isku daaban.

 

Image may contain: 1 person
Image may contain: 2 people, people standing and suit