Animation

XOG: Maxaadan Ogeyn Oo Muhiimadooda Leh Oo Muqdisho Ka Dhacay?? (Warbixin Xog Wadata Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Monday September 26, 2016 - 6:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay Doorashada iyo Arimo quseeya.

Kulanka ayaa waxa ka qeyb galay Waxgarad iyo Odayaal Dhaqameed kasoo kala jeeda Gobollada Sh.Dhexe iyo Hiiraan iyo xubno katirsan Gudiga Doorashada Soomaaliya.

Ujeedka kulankaasi waxa uu ahaa sidii looga arinsan lahaa qaabka ugu macquulsan ee loo soo xulayo Xildhibaanada ka imaanaya Gobollada Sh.Dhexe iyo Hiiraan oo weli Maamul aysan sameysan.

Qaar ka mid ah Odayaashii ka qeyb galay Fadhigaasi waxay sheegeen in la isku waafaqay in Xildhibaanada Labada Gobol kasoo galaya Dawlada Cusub laga soo xulo Magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa saameyn kale oo Dawlada iyo Reer Hiiraan isku qaban doonaan lagu sheegay maadama hore Gudoomiye Yuusuf Daba geed uu amray in Xildhibaan Qofkii raba inuu kasoo galo gobolkaasi uu yimaado B/weyne.