Somali News Top News

XOG: Maxaad kala Socotaa Xaaladda Dagmada Ruun Nirgood oo Shalay ay Alshabaab Dagaal Culus kula Wareegen Xageese ku dambeeyaan Ciidamada Dowlada ee Magaalada laga saarey…

Iyadoo maalintii shalay gudaha degmada Run-nirgood ee gobalka Shabeelada dhexe uu ka dhacay dagaal culus oo u Dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab ayaa maanta waxaa laga soo sheegaya in Xaalada ay tahay mid dagan waxaana magaalada weli gacanta ku heyntaaya Ururka Alshabaab oo Shalay dagaal kula wareegay.

Dagaalyahano ka Tirsan Alshabaab ayaa lagu arkaya Gudaha Magaalada iyagoo daaf wareegaya xaafadaha kala duwan ee Dagmada Ruun Nirgood waxaana jirta Cabsi ay qabaan dadka Fara ku tiriska ah ee aan Magaalada ka barakicin .

Gudaha Magaalada waxaa si aad ah looga dareemayaa raadadkii uu reebay dagaalkii cuslaay ee shalay ka dhacay degmada Run-nirgood ee gobalka Shabeelada dhexe waxaana jirta in dagaalkaasi uu qasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

Ciidamada Dowlada ee Shalay laga saaray Ruun Nirgood ayaa waxa ay ku suganyihiin duleedka Magaalada Iyadoona ay Xusid mudantahay in Saraakiisha Ciidamada Dowlada Hogaamineysay ay Eedeyn kulul u jeediyeen Ciidamada Amisom oo aan usoo Gurman markii uu dagaalka socday sidaasina ay uga soo baxeen Dagmada Ruun Nirgood.

Related posts

Guddiga Difaaca oo lagu wado in ay la kulmaan Wasiirka Gaashaandhigga

Sakariye Sakariye

Daawo: Booliska Dalka Canada oo Toogasho ku dilay Muwaadin Soomalia ah oo la sheegay in ….

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Ciidamo loogu tala galay in ay Sugaan Amaanka Koonfur Galbeed oo Maanta…

admin