Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

XOG: Maxaad kala Socotaa Khilaaf Baahsan oo ka dhex taagan Kenya iyo Itoobiya oo ku aadan Cida Maamuleysa Maleeshiyada Barre Hiiraale ee Dhawaan Kismaayo lagu so xareeyay

Tan iyo wixii ka dambeyay Markii Magaalada Kismaayo loo soo Wareejiyay Ciidamadii Barre Hiiraale ee ku sugnaay Duleedka Kismaayo waxaa soo baxaayay Khilaaf xoogan oo u dhaxeyay Ciidamada Ethopia iyo kuwa Kenya oo Amisom ka wada tirsan iyadoona khilaafka uu ka dhashay Cida lagu wareejinaayo Ciidamada Kismaayo lagu soo xareeyay.

Ciidamada Kenya ayaa isku dayay in ay la wareegaan Ciidamada Barre Hiiraale islamarkaana ay Hub ka dhigis ku samyesay Balse markii dambo ay Ciidamada Itoobiya ay ka biyo diideen in Ciidamadaasi hub ka dhigis lagu sameeyo maadaama bay yiraahdeen ay Ciidamada yihiin Ciidamo qaran oo loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan Howlgalada lagu xureynaayo degaanada Alshabaab ay kaga suganyihiin Jubbooyinka.

Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamada Barre Hiiraale oo k24 la ahdlay ayaa sheegay in ay Kenya ku Fashilantay in ay dhex dhexaad ka noqoto Siyaasadda Jubbaland waxaana ay sheegen in Ciidamada Itoobiya ay ka heleen soo dhaweyn wanagsan ayna ka so galbiyeen Deegaanka Goobweyn marka Ciidamada loo soo kaxeynaayay Magaalada Kismaayo.

Kenya iyo Itoobiya ayaa in badan ku kala aragti duwan Siyaasada Jubooyinka waxaana jirta in Khilaaf Baahsan uu haatan soo kala dhex galay.

Related posts

TOP NEWS: Daawo Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo ka Hadlay Dadka Koonfurta u Dhashay ee …

admin

Ha’ayda Duulista Rayidka Soomaaliya oo Sharci Yeelatay.

admin

Madaxweynaha Somaliya mudane Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Asmara.

admin