Animation

XOG: Maxaad ka Ogtahay Sababta uu Maanta usoo Xaadiri Waayay Musharax Xildhibaan Khaliif C/Qaadir Macalin Nuur Maxamad Siyaad????

no responses
Saturday October 15, 2016 - 12:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa Musharaxiinta ku soo baxay Liiskii Aqalka sare ee Baarlamaanka ee uu dhowaan soo saaray Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu isaga baxay.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa isaga haray tartanka, isagoo aan buuxin shuruudihii Musharaxnimo ee Aqalka sare looga baahnaa, sida ay ilo wareedyo muhiim ay warbaahinta u Xaqiijiyeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Khaliifka oo xurguf siyaasadeed kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo Madaxweynaha uu wato gabadha la tartamaysay Khaliif C/qaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galaan gal badan ugu jira in Xildhibaano isaga taageersan ay ku soo baxaan Labada Aqal ee Baarlamaanka sida Aqalka sare iyo Aqalka Hoose, si ay mar kale ugu doortaan xilka Madaxtinimada ee uu mar labaad u ordayo.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa maanta soo xaadirin xarunta Baarlamaanka Galmudug ee degmada Cadaado, halkaasoo ay ka bilaabatay doorashada Aqalka sare.

Ilo wareedyo qaar ayaa sheegaya in Khaliifka uu diidanaa inuu la tartamo  Zamzam Dahir Maxamuud oo ay ku loolamayeen Kursiga Aqalka sare ee Beesha C/raxmaan Saleebaan ee Waceysle.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu sabab u ahaa arrintan, kaddib markii uu cadaadis ku saaray Xubnaha Baarlamaanka Galmudug inay doortaan Zamzam Dahir Maxamuud, si loo xaqiijiyo qoondada Haweenka ee Kursiga Aqalka sare ee ka imaanaya Galmudug.

Tani ayaa ka dhigan in Zamzam Dahir Maxamuud ay u badan tahay inay ku guuleysato kursigaas, maadaama Musharaxa kale ee la loolamayay aanu soo xaadirin goobta ay ka socoto Doorashada Aqalka sare.

Xigasho Jowhar.com