Animation

XOG: Maxaad ka ogtahay Sababta keentay in la feero Wasiir Gelle ?

no responses
Saturday October 1, 2016 - 6:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa feerkii dhexmaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka Somalia Maxamed Jaamac Mursal iyo Guddoomiye ku­xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Farax Macalim.

Mid kamid ah mas’uuliyiintii ka agdhawaa dagaalka isla markaana kamid ahaa raggii kala qabtay labada mas’uul oo u waramaayay Saraashiisha Booliska ka ayaa sheegay in dagaalkooda uu markii hore ka bilowday kaftan, waxa uuna tilmaamay inay ka doodayeen Siyaasada Somalia iyo kaalinta ay Ethiopia ku leedahay xasil darida kataagan Somalia.

Waxa uu sheegay inuu arkaayay Faarax Macalim oo farahiisa indhaha ka galinaayay Wasiirka waxaana xigtay inay iskala ka ceen fadhiga sidaana uu ku bilowday feedhka.

Mas’uulkaani mar ay Saraakiisha wax ka weydiiyeen hadalada ay is weydaarsanayeen labada mas’uul ayuu sheegay in Faarax Macalin uu si cod dheera ugu qeylinaayay in Wasiirka uu yahay adeege ay soo dirsatay Ethiopia, balse waxa uu intaa ku daray in Wasiirka uu ahaa mid codka la ganbanaayay.

Facebook Comments