Animation

XOG: Maxaad ka ogtahay Sababta ay Isku Casileen Labo Wasiir oo ka tirsan Galmudug Xili Maamulka Uu qarka u Saaranyahay in uu…..

no responses
Saturday October 22, 2016 - 11:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida aan Horay Idin kugu soo Gudbinay Wararkeeni Hore Laba wasiir oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Maanta ku dhawaaqay in Xilka ay iska Casileen.

Mudo 24 Saac gudaheed ayey Galmudug ku weysay Laba Wasiir Iyadoona Wasiirada Is Casilay ay Sheegen in ay jiraan Dhibaatooyin iyo Shaqsiyaad gaar ah oo Galmudug Jeebka gashtay.

Labada wasiir ee Is Casishay waxay kala yihiin Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka Daaqa iyo Dhirta Cabdifitaax Maxamuud Axmed iyo Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman Sayruuq.

C/Raxmaan Sayruuq oo Warbaahinta kula hadlay Cadaado ayaa sheegay in Sababta uu isku Casilay ay tahay in Shaqsiyaad gaar ah ay Galmudug ka socon la’dahay kuwaasi oo ku sheegay in cadaado ay ku suganyihiin.

2016_flag_of_galmudug

Warar Hoose iyo Xog ay Heleyso Kismaayo24 ayaa waxa ay sheegayan in Group badan oo Wasiiro ah ay qorsheynaya in Xilalka ay Iska Casilaan iyadoona War aan Hada helnay oo Xog ahna uu sheegayo in Goordhaw ay Is Casilaada ku Dhawaaqi doonna Ilaa Laba Wasiir kale oo galmudug ka tirsan Sidaasina waxa ay ku Noqoneysa in Mudo 24 Saac gudaheed ay Xilka iska casilaan ilaa 4 Wasiir oo Galmudug ka tirsan.

Galmudug oo Mudo Sanad ka badan dhisan ayaa aad uga hooseysa maamulada kale ee Dalka ka jira Marka laga eego Dhanka Maamulka Dhaqaalaha iyo Weliba Dhismaha iyadoona ay Xusid mudantahay in maamulka uu Hogaamiyo C/Kariim Guulled uu Dhaleecen xoogan kala kulmay Siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee Bulshada.