Animation

XOG: Maxaa Xalay ka dhacay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.?.[Kulan aan loo kala harin]

no responses
Sunday October 2, 2016 - 10:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida aan xog kaga helnay illo ka tirsan Laamaha Amaanka Soomaaliya waxaa Xaruunta Xalane ee magaalada Muqdisho ka dhacay kulan weyn qarsoodi ahaa kaasoo loogu hadlay dagaalka al shabaab waxaana ka qeyb galay xubno ka kala socda Dowlada Mareykanka, Saraakiil ka socda wadamo ka tirsan Yurub, Amisom iyo Saraakiil Soomaali ah.

Xogta ayaa sheegeysa in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo dhammeyn lahaa dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana dalka oo dhan u noqon lahaa mid lagu xasiliyo.

AMISOM ayaa saraakiishii mataleysay ayaa ku baaqday in ciidamadooda taageero xooggan la siiyo, laga soo badiyo inta ay hadda yihiin, islamarkaana si wadajir ah loo wajaho Al-shabaab.

Saraakiisha Soomaalida ayaa dhankooda ku baaqay in Al-shabaab looga adkaan karo oo kaliya ciidamada xoogga dalka Soomaaaliyeed oo la saacido, islamarkaana tabar u yeelan doona in dalka ay nabad ka dhigaan.

Kulankaan xalay ayuu dhacay, waxaa jiri doona kulamo kale oo iyana sidan oo kale ah kuwaasi oo caawa xilli saq dhexe iyo Habeen dambe ka dhici doona xerada Xalane.