XOG: Maxaa u dambeeyay oo ku soo kordhay Saraakiishii Jubbaland ay ku xirtay Garoonka Kismaayo?

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya xarig shalay garoonka diyaaraddaha magaalada kismaayo loogu geestay taliyaha nabad sugidda jubbaland iyo ku xigeenkiisa oo dowladda federaalka usoo magacowday taliska NISA ee jubbaland.

Taliyaha NISA ee Jubbooyinka Cali Mire Ducaale iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Ibraahim ayaa lagu xiray xabsi ku yaala garoonka diyaaraddaha kismaayo xili ay doonayeen in ay gudaha u galaan magaalada kismaayo.

Diyaarad ayaa maanta dib ugu soo celin doonta magaalada muqdisho iyadoona saraakiisha ay xalay ku hoydeen xabsiga garoonka diyaaraddaga ku dhexyaala.

Mid kamid ah howlwadeenada Garoonka ayaa yiri “Ciidamada AMISOM ee jooga garoonka ayaa loo adeegsaday waxa ay ku sameeyen bahdil iyo waxyaabo aan sharci ahaan wanaagsaneen”

“AMISOM waxa ay xitaa ugu goodisay in sida Al-Shabaab ay ula dhaqmi doonaan waa haddii ay sameeyan amar diido, waxa ayna si cad u diideen aqoonsiga wareegto heer dowladeed ah”.

Maamulka Axmad Madoobe ayaa 13-kii July ee sanadkan waxay garoonka Kismaayo ka celiyeen diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda u magacowdey taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogda dalka.

Dowladda Federaalka weli kama aysan hadlin xariga kismaayo loogu geestay saraakiisha ay u magacowday taliska Nabad sugidda maamulka jubbaland.