Animation

XOG: Maxaa ka jira in Hey’adda NISA ay Shaqada ka Ceyrisay Askartii Ugu Badneyd oo lagu Eedeeyay in ay….

no responses
Sunday October 2, 2016 - 11:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Hey’adda Sirdoonka iyo nabad Sugida Qaranka ee NISA ay shaqada ka Ceyrisay ku dhawaad 1,500{Kun iyo Shan Boqol} oo Askari oo ka tirsanaa Hay’adda NISA.

Wariye Lagu Magacaabo Jeef Muwuura oo Warbixintaan ku Qoray Wargeyska eastafrica ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu la Xariiray Saraakiil ka tirsan NISA oo uu ka helay Xogta ah in Shaqada laga Ruqseeyay  1,500 oo Askari.

Warbixintaan ayaa waxa ay soo Bandhigtay Sababta Ciidamadan Intaan la eg Shaqada looga Ceyriyay Iyadoona Warbixinta Lagu Sheegay in Ciidankaasi ay gudan waayeen Waajibaadkii loo Igmaday iyo in Dib u Habeyn lagu Sameyn doono Ciidanka NISA.

General Gaafow Taliyaha Hey’adda NISA oo wax laga weydiiyay Arintaan shaqo ka Ceyrinta ah ayaa waxa uu ku Tilmaamay Mid Been Abuur ah oo Sal iyo Raad Toona aan laheyn.