Animation

XOG: Maxaa Hortaagan Isku Shaandheyntii Golaha Wasiirada & In La Magacaabo Booskii Marxuum Siraaji

no responses
Tuesday July 11, 2017 - 9:29 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Warar maalmihii lasoo dhaafay laga helayay xafiiska RW Xasan Cali Kheyre ayaa sheegayay in isku shaandheyn iyo badal lagu sameyn doono golaha wasiirada dowladda Soomaaliya.

Qorshaha Isku shaandheynta ayaa yimid kadib cabashooyin badan oo ay soo gudbiyeen beelaha qaar halka sidoo kale, RW Kheyre iyo MD Farmaajo ay isla garteen in qaar kamid ah golaha wasiirada xilka laga qaado

Wasaaradaha fartu ku godan tahay waxaa kamid ah Gaashaandhiga, Arimaha dibadda, Maaliyadda iyo Wasaarado kale oo aanan kamid aheyn kuwa heerka koobaad.

Laakiin Isku Shaandheynta ayaa umuuqata mid xilligeedii dhaaftay taas oo ka dambeysay mooshin ay xildhibaanada qaar abuureen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaano katirsan golaha wasiirada oo ogaaday in xilalkooda ay weyn doonaan ay hormuud u ahaayeen mooshinka ka dhanka ah Xukumadda.

RW Kheyre ayayna xildhibaanadaas Wasiirada katirsan ku cadaadiyeen inuusan wax isbadal ah xukumadda ku sameyn in mudo ah.

Arintaas ayaa sidoo kale saameysay in RW Kheyre uu magacaabo booskii uu ka geeriyooday Wasiirkii howlaha guud Marxuum Siraaji.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa mar kale ka fakaraya in isku shaandheynta la sameeyo, laakiin waxaa loo maleynayaa in dib ay udhici doonto mudo bilooyin ah.