XOG: Mas’uuliyiin Katirsan Dawlada Soomaaliya Oo Xilka Laga Qaadi Doona & Muran Ka Jira Cida lagu Bedeli Doono

0

Xog ayaa sheegaya in Xilka laga qaadi doono Saraakiil iyo Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya.

Xilka Qaadista ayaa ku saleysan isbadel la rabo in Laamaha Amniga iyo Dawlada Hogaankeeda lagu sameeyo si loo dar dar geliyo siyaasada Dalka Lagu Hogaamiyo.

Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Kheyre Ayaa ka tashanaya sidii Dalka Loogu sii hormarin lahaa oo Hay’adaha Dawlada unoqon lahaayeen kuwo sal adag leh.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa suurta gal ah inay isku shaandheynta saameyn ku yeelato.

Muran ayaa ka jira Habka lagu saleenayo oo beelaha lagu qancinayo Xilalka iyo sida loo kala weydaaran doono.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa laga yaabaa in Xilka laga qaado,waxaana suurta gal ah in Mas’uul hore Xilka looga qaaday ay dib usoo laabtaan.

Sidaas oo kale Agaasimayaal Wasaaradeed,Dekada Muqdisho iyo Maamulka Garoonka ayaa macquul ah in isku shaandheyntaas ay saameyn ku yeelato oo Saraakiisha Xilalka looga qaado.