Animation

XOG: Maraykanka oo Tiro ciidan ah kasoo dejiyey Muqdisho

no responses
Sunday July 9, 2017 - 8:09 under Somali News by nairobi
mqdefault

Sida ay k24 ku heshay xog hoose, dowladda Maraykanka ayaa magaalada Muqdisho waxay kasoo dejisay ciidamo gaaraya 400 kuwaasi oo Saddexdii Habeen ee ugu dambeysay lasoo daabulayey.

Ciidamadan ayaa la dejiyey Xerada Xalane, waxaana loo sii qaadayaa Ballidoogle waa sidaan xogta ku helnaye.

Waxaa ciidamadan loogu talogalay in dalka ay kula dagaallamaan Al-shabaab iyo Daacishta Soomaaliya oo aan awood badan lahayn.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sidoo kale caawin doonaan ciidamadan, wallow hadda tiro ahaan ciidankaan la keenay yihiin kuwo aad uga badan intii hore.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku dhowaaqay in ciidamo u  dirayo Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Argagaxisada.