Animation

XOG: Madaxweyne Xasan Sheikh oo Qanciyay Beelaha Hiiraan & SHabeelaha Dhexe 

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 8:27 under Somali News by admin
mqdefault

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa kismaayo24.com u xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu qanciyay dad badan oo cabashooyin ka muujiyay dhismaha gudigii farsamada ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo sameynayo.

Xubnaha maamulka oo diiday in magacooda aan adeegsano ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku qanciyay beelaha kasoo jeeda Hiiraan iyo la badalayo ama la joojinayo gudiga farsamada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo dhawaan wasaarada arimaha gudaha ay ku dhawaaqday.

Xubnaha gudigaasi ayaa waxaa lagu dhaliilay in la simay dhamaan beelaha kasoo jeeda labada gobol, halka ay beelaha qaarkood ku doodayeen inaan lala simi karin beelo kale maadaama ay kaga degmooyin badan yihiin labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya u ku qanciyay beelaha Hiiraan iney joojiyaan banaanbaxyada iyo buuqa ay wadaan islamarkaana ay ka war sugaan isaga.

Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo sameynayo ayaa waxaa uu noqday caqabad hor taala wasaarada arimaha gudaha oo laga sugayo in ka hor sanadka 2016 ay dhisto maamulkaasi, laakiin waxaa hadda muuqata in waqti badan uu lumay iyadoo wali aan  lagu hishiin halka caasimada noqoneyso iyo cidda madaxweynaha la siinayo.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle