XOG:- Madaxweyne Gaas Oo Si deg deg ah ugu Dhoofaya Magaalada Garoowe.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa Baydhabo shirna uga qeyb galayay ayaa maanta lafilayaa in uu dib ugu laabto Garoowe.

In kastoo aan weli lasoo gaba gabeyn shirkii Madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadana,waxaa lasoo sheegayaa in madaxweyne Gaas uu safar deg deg ah uu soo galay.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in xaalad ay kusoo korortay puntland kadib markii dagaal uu uga furmay deegaanka tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo shalay uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada Soomaaliland  iyo Puntland.