Animation

XOG: Madaxweyne Farmajo oo Cabudwaaq Tagaayo: Shaqsiga ugu Musuqmaasuqa iyo Qabyaalada badan uwada in Gudoomiye Degmada loogumaga caabo.

no responses
Sunday July 16, 2017 - 12:16 under Breaking News by nairobi
mqdefault

Ayada oo la filaayo in Madaxweyne Farmajo tago magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa lafilayaa in uu Gudoomiye u magacaabo Shaqsi lagu magacaabo Maxamuud Dirir kaasoo musuqmaasuq iyo kala qaybin ka gaystay magaalada Caabudwaaq

Shaqsigaan oo muda sanad kahor ah imaaday magaalada Caabudwaaq ayaa bilaabay kala qaybinta bahda waxbarashada iyo guud ahaan Bulshada dagan Caabudwaaq asagoo jifo jifo ukala qaybiyay.

Kala qaybinta ugu weyn waxaa uu a gaystay Jaamacadda Galguduud asagaa oo lunsaday lacagtii Hay’ad Somali Stability Fund ( SSF) ay oogu talagalay in jaamacadda Xarunteeda weyn lagu dhiso.

Gudiga Jaamacadda ayaa Bilowgii sanadkaan Ka qoray asaga iyo Shaqsiyaad kale oo ku wehliyay musuqmaasuqa warqad dacwa ah taas oo ay u gudbiyeen Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka isla markaana ku kalifay in uu deegaanka ka cararo

Ninkaan ayaa sidoo kale loo haystaa Dilkii madaxi wax barashada degmada Caabudwaaq Marxuum Cabdulaahi Colaad oo 5/30/2017 ku geeriyoday Magaalada Caabudwaaq.

Waxaa nasiib daro ah in Shaqsi lagu yaqaan Musuqmaasuq iyo Qabyaalad la damco in Gudoomiye looga dhigo Degmada Caabudwaaq. Midaan ayaa keeni karto in ay sii jiidanto dhibaatada baahsan ee ka taagan deegaanka Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda.

Xafiiska warka

Caabudwaaq Galguduud Somalia