XOG:-Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qadar oo khadka telefoonka uga wada hadlay arimo ay ka mid yihiin…

0

Madaxweynaha Jumhuriyada Fadaralka Somalia  Mudane Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaay khadka teleefoonka ku wada hadleen Amiirka Wadanka Qadar  Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani.

Madaxweynaha Jumhuriyada Fadaralka Somalia  Mudane Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo iyo Amiirka Qadar Amir tamiin ayaa ka wada hadlay  dardar galinta  Mashaaricda hormarineed ee ay qadar ka wado  wadanka Somalia.

Labada Masuul ayaa isla gartay in  Dowlada qadar ay taageero dheeri ah siiso dowlada Somalia  isla markana ay  dardar galinso Mashaaricda kala duwan ee ay Dowlada qadar ka wado somalia.

Mashaaric Dowlada qadar ay ka wado somalia ayaa waxa ka mid ah Dhismo wadoyiin waweyn oo isku xiraya Gobolada Dalka iyo Caasimada, Dhisada Xarumihii Dowlada ee ku burburay Dagaaladii sokeeeye ee ka dhacy Wadanka Somalia iyo dib u howlgalinta shirkadii Diyaaradaha ee Somali Airlines.

Madaxweynaha Jumhuriyada Fadaralka Somalia  Mudane Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo ayaa mudada uu xilka hayay waxaa uu la yimid  Siyaasad cad cad oo dhanka arimaha Dibada  taas oo madax banaan markastana eegaysa Faaidada ay ummada Somaliyeed ka heli karaan wadan walba oo xiriir  fican lala  sameysanayo.